
Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Goleyaasha Dowladda ayaa u Hambalyeeyey Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
“Waxaan u hambalyeenaya Ra’iisal Wasaaraha Cusub Mudane Maxamed Xuseen Rooble, runtii waxaa hortaalla shaqo baaxadleh oo masuuliyadeeda wadata, waxaana u rajeynaya in uu ku guuleysto”
Madaxweyne Deni waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Alle “SWC” u waydiiyey inuu ku asturo masuuliyaddaas weyn ee uu u qabtay dadkiisa iyo dalkiisaba.
Leave a Reply