
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u hambalyeeyay Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa yiri, “Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan maamulka gobolka Banaadir waxaan Hambalyo u dirayaa Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay xilka Ra’isul wasaaraha dalka”
Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale yiri, “maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka Muqdisho waxa ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan ra’isul wasaaraha cusub ee dalka mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan sidoo kale u rajeynaaya in uu ilaahey u fududeeyo mas’uuliyada culus ee laguu igmaday.
Leave a Reply