Qoorqoor oo Codsi u jeediyey Bulshada Soomaliyeed

qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa khudbad ka jeediyay xafladda xiritaanka shirka Wadatashiga madaxda DFS, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu horeyn, Madaxweynaha ayaa si guud ugu mahadceliyay madaxda & wufuudii kasoo qeybgashay xafladda asagoona si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo muujiyay odaytinimo iyo tanaasul muddadii uu socday shirka wadatashi.

Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay doorasho dalka ka dhacda waqtigeeda iyo sida isku tanaasulka leh oo ay dhamaan madaxdu uga wada shaqeeyeen.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu danbeyntii ka codsaday dhamaan ummadda soomaaliyeed inay soo dhaweeyaan heshiiskaan taariikhiga ah oo laga gaaray doorashooyinka qaran.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah DFS.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.