
Wararka aan ka helayno degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo u dhexeeya maleeshiyada Al-Shabaab iyo Ciidanka xoogga dalka uu halkaasi ka qaraxay, isla markaana jab xoogan loo geystay argagixisada Al-Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka war helay in degaanka Bulacle ee Gobolka Galgaduud ay isku aruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kadibna ay bilaabeen inay ku baxaan deegaanka oo ay jab u geystaan argagixisada Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacada Ciidamada ayaa sheegay in dagaalka Bulacle lagu dilay maleyshiyaad iyo Horjogayaal ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab.
Generaal Odowaa Yuusuf Raage waxa uu tilmaamay in dagaalka lagu dilay ku dhawaad 16 ka tirsan Nabadiidka Al-Shabaab
Ugu dambeynti Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa xusay in dagaalka Al-Shabaab looga qabsaday sideed qori uu isugu jira Ak47, PKM iyo Hal qori oo saban ah (RBG rocket).
Leave a Reply