Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa Hoyga uu ka deganyahay Magaalada Muqdisho casuumaad ugu sameeyay xubnaha labada Gole ee Barlamaanka JFS ee laga soo doorto Galmudug .
Kulankan waxa kasoo qeybgalay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Maxamed Axmed Bukhaari, guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo dhammaan Xildhibaanada Galmudug laga soo doorto.
Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhamaan intii kasoo qeyb gashay asagoona si kooban uga warbixiyay Galmudugta cusub waxyaabihii u qabsoomay iyo qorsheyaasha mustaqbalka dhaw uga degsan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo dib uheshiisiinta.
Madaxwayne Qoorqoor ayaa Xildhibaanda ka codsaday inay ansixiyaan Ra’iisalwasaaraha Cusub oo dhawaan la horgaynayo Barlamaanka Soomaaliya.
Guddoonka iyo xubnaha labada aqal ee kasoo qeyb galay casuumaadda ayaa ugu danbeyntii ka mahadceliyay casho sharafta madaxweynuhu ku casuumay, ayagoona boggaadiyay dadaalada Horumarineed ee ka socda Galmudug.
Leave a Reply