Beri oo Arbaca ah ayaa Codka kalsoonida loo qaadayaa Ra’iisalwasaraha Cusub

Rooble

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri ah ay kulan aan caadi ahayn ku Yeelan doonaan Xaruntooda Villa Hargeysa.

Xildhibaanada ayaa waxaa lagu wargaliyey Ajendaha kulankaada Beri ah inuu Yahay Khubad jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kalsoodi u qaadida Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Maxamed Xuseen Rooble.

Sida qorshu yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dalban doona inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub Maxamed Xuseen Rooble waxaana la filayo in ay Xildhibaanada ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.