Hagardaamada Kooxdii Uunsi ama Mucaaradka Soomaaliya

mucaarad

Bulshada Soomaaliyeed aan la wadaago aragtidayda kooxdaan oo ay ila tahay in ayyan qarsooneyn cidda ay u shaqeeyaan iyo ujeedooyinkooda guracan, markasta oo qofku uu xaqiiqda ka fogyahay kana been sheego runta marka u danbaysa asaga ayaa is kashifa oo waatan Soomaalidu tirahdo (XAQA HADDII AFKA LAGA DHAWRO FEERAHA BUU KA DILAACAA), Inta aanan waxa qormadaan igu kalifay u daadagin noolaha adduunyadu waa shan, xoolo, dhir, shimbiro, kaluun iyo xasharaad dhamaantood waxay leeyihiin cadaw oo ayyaga laftigooda baa cadaw isku ah,wey is quutaan, qaarna nolasha ama qutulyoomka baa isku meel ka gala,kuwa nolasho isku Meesha ka gasho tartan cadawtinimo baa dhex mara midba in uu kan kale ka taqaluso si khayraadka dhex maray uu ugu noolaado kaligiis,kuwaas waxaa ka mid ah dadka.

Hadda ka hor dawladii tan ka horey nin ka mid ah kooxdaan oo ahaa wasiirka arimaha gudaha baa waxaa la weydiiyey su’aal sidee u aragtaa federaalka wuxuuna ku jawaabay {FEDERAALKA WAAN LA DHACSANAHAY WAAYO MA DOONAAYO DAWLADA  XOOGBADAN OO INTA CIIDAMO SOO SAARTO WAXAY DOONTO SAMAYSA}.

Maantana waxaan dhegeystay mid ka mid ah kooxdaan oo weliba musharax madaxweyne ah oo ceebaynaaya saddexdaan arimood:-

!-Dawlad xoog badan oo awood leh.

2-Wadaniyad ama qofka wadanigaa.

3-Tilmaanta ama ogaasha cadawgaaga.

Inta anaan saddexda qodob tilmaan ka bixin bal ila dhegeysta codka musharaxaan madaxweyne oo cambaareynaaya saddexda arimood ee sare asaga oo tafsiir guracan ka bixinaaya kuna beerdulucsanaaya reerkooda sidii ayyaga keligood madaxweyne ka dhigi kara.

-Mida ugu horeysa dawlad xoog leh lidkeedu(OPOSITE}waa dawlad liciif ah oo aan lahayn amar iyo kala danbayn(WITHOUT LAW AND ORDER) ay ku hanato amniga gudaha iyo kan dibada ee xuduudaheeda,odaygu dawlad daciif ah in uu madax u noqdo muxuu u doonaaya ma badii buu dhulka inuu ku daro rabaa,hadda waad garateene?

_Wadaniyad wuxuu u micneeyey caburin, waa laba eray oo aad u kala fog haddii uu madaxweyne noqdo malaha,taalooyinka,Axmed gurey,Siyid maxamed,Talj irka dahsoon iyo Goobaha loogu magacdaray Cumar Samtar,Xalane, Dhagaxtuur,Faarax Oomaar Macalin Jaamac,Jaalle Siyaad IMW dhammaan cagtuu marin lahaa oo waa baabi,inlahaa? Ilayn wadaniyiin uma yaqaane eleyn wuxuu u yaqaanaa caburiyayaale,ma is dhehdeen wuxuu u baahan yahay in la caawiyo oo wax la baro miskiinku?

-Qodobka saddexaad cadawga dalka waa kan dadka in aan la ogaan oo la baran muxuu ku doonayaa odaygu?Qof kasta oo Soomaaliya hooyo kasta waxay bartay laba cadaw oo aan iska ilaalino Amxaar iyo yuhuud,ilaahoow intii dhimatay iyo inta noolba hooyooyinkii janada ugu bishaaree.

Aan soo gunaanadee kooxdaan Uunsi ee mucaradka la baxay ma qarsoona oo ficiladaan iyo kuwa kale bay kula dhexmeereysanayaan beelahooda oo aad moodid nin walba in la yiri marinhabaabi reerkiina maadaama ay qolo ahaan ku dhegeysanayaan,waxay ka dhacday Xamar,Kismaanyo,Garoowe,Hobyo iyo Dhuusamareed oo odaygaan intaas ka jeediyey dhammaan ujeedo isku mid ah oo saddexdaas dadka Soomaaliyeed in laga tirtiraa baa ku hoos duugnayd,lakiin waxaan ka xumahay dadka Soomaaliyeed irbad suuxisaa baa lagu duray 1919kii soomana naaxin weli,Alle aan u barino in Ebbe miyirka u soo celiyo waayo dhagrta intaas leg,wadani ha noqonina,dawlad xoog rabina iyo cadwgiina ha ogaanina dadka u sacbinaayey ma miyir bay qabeen?

Wabilaahi Towfiiq.

Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.