
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Maxamed Gacal ayaa galabta garoonka diyaaraha magaalada Sama-reeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo howlo shaqo u jooga Muqdisho.
Sidoo kale soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka Caasimada Sama-reeb iyo qeybaha kale ee bulshada.












Leave a Reply