Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) Diomede Ndegeya ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo, wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardrgali lahaa howlgalada lagu baacsanaayo kooxaha nabad-diidka.
Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay degaanada Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.
Gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Leave a Reply