
Ciidanka kumaandooska soomaaliya ee danab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa labo jiho ka weeraray degaanka mubaarak ee gobolka shabellada hoose.
Kumaandooska soomaaliya ayaa howlgalka ku dilay gudoomiyihii al-shabaab ee degaanka mubaarak iyo tiro ka tirsan maleyshiyada al-shabaab.
Nabadiidka al-shabaab ayaa sumeeyay ceelasha biyaha degaanka mubaarak.
sidoo kale ciidanka kumaandooska soomaaliya waxa ay howlgalka ku bur buriyeen gaari hoomey ah oo nabadiidka al-shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qaraxa.
Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska soomaaliya oo la hadlay idaacada Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay.
Horjogihii al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak iyo tiro maleyshiyaad ah.
Saraakiisha danab waxa ay horjogaha la dilay magaciisa ku sheegeen sheekh cabdulle gaare oo nabadiidka al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak.
Leave a Reply