
Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ayaa waxaa soo cago dhigatay diyaaradda Uganda Airlines taas oo ka dhigan in duulimaadkeeda Muqdisho To Kampala uu dib u bilowday ka dib markii cudurka safmarka ah COVID -19 uu dilaacay, isla markaana saameeyay socdaalka.
Shirkadda Uganda Airlines waxay sameeyn doontaa saddex maalmood oo ah duulimaadyadii caadiga ahaa ee Soomaaliya iyo Uganda oo istaagay bishii Maarso ee sanadkii 2020-kii markuu uu dillaacay safmarka Fayruska corona.
Uganda Airlines ayaa sameeyo doonta duulimaadyadeeda Muqdisho iyo Kampala maalmaha Axadda Talaadada iyo Khamiista.
Leave a Reply