
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Samareeb Ex-Dhuusamareeb ee xarunta Dowladda goboleedka Galmudug kaddib safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Galmudug ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirarkii madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federalka ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.
2020-2021.
Leave a Reply