Ma Soomalida Kaliya Baa Dhalan rogay Mise Aduunka oo dhan?

shiiq shariif

Waxaan maqli jirey aakhiro samaanka wax kasta sidii ay ahaayeen lidkeeda bay isku bedelaan sida maalintii oo saacad noqota iyo sanadkii oo maalin noqda,sidoo kale wixii laga xishoon jirey oo lagu faano,haddaba markii aan eegay xaalku sida uu yahay oo waqtiga maanta iila ekaaday wixii waahore Diinteena suubani noo sii sheegtay Ayaan is weydiiyey su,aasha sare ku qoran idinkana idiin soo bandhigay.

Aan tusaale soo qaatee,waxaan lahayn taariikh dal iyo diin jacayl ah,waana tan sababtay in Geeska Afrika dhulka ugu weyn dadka Soomaalida ah ku nool yihiin oo ayyagu leeyihiin,kana riixdeen shucuubta deriska la ah oo waxbadan ka tirabadan,sidoo kalana biyaha xeebta dheer ee labada badood ee isbarkan aan ku helnay.

Hadaba akhgristayaal waxaa jira dhacdooyin badan oo aan la soo koobi Karin oo diinta iyo dalka difaacooda loo soo maray,dad Soomaaliyeed oo ilaa maanta aan xasuusano baa naftooda iyo maalkooda ku bixiyey difaaca Diinta iyo dalka,waxayna noogu asteysan yihiin wadaniyiin aan xusuusano mar kasta meelo lagu xasuustana loo sameeyey,sida:- Axmed Gurey,Sayyid Maxamed,Shiikh Xassan Barsane,SYL iyo SNL,Faarax Oomaar,Cumar Samatar,Maxamed Cawaale Liibaan,Yaana iloobin Suldaan Cabdullaahi ee bixiyey (BERBERA WAX GO, LAGU QAADO KA WEYN).

MAXAA BADALAY MAANTA? Xaajadu dhanka kale bay isku rogtay,waxaa lagu faanayaa Diin iyo dal nacayb ama jaajuus iyo qaai,nuwadan,bal ila eega siiladaha ama suuqyada aan qoarsoodiga ahayn  ee ka furan Neyroobi iyo Dabai(KEENYA IYO IMAARAADKA) ee lagu gorgortamaayo aniga baa hebel ka qaai,nuwadansan,jaajuusnimana uga fiican ee i maalgashada si aan madaxweyne u noqdo.

Waxba yaana idin daalin nin walba maalin dhaw asaga oo dhabarka laga soo laabtay buu soo noqon Meesha reerkoodu dego buu soo caga dhigan sidii dhici jirtey,waxaana hubaa in loo soo baxaayo safaf dhaadheer,sacab iyo ubax qoorta loo suro,hadde u fiirsada waxaan ku maamuusayna  waa qaai,nuwadanimo iyo jaajuusnimo,waxaan idin weydiin lahaa 1991kii miyaa nala ku duray irbad suuxisaa oo aanaan weli ka soo naaxin?

Aniga oo jawaabta idin ka sugaaya aan tayda hormarsado oo dhaho Haah,maadada saliingaha irbada nala ku mudey ku jirtey waxay ahayd QABYAALAD welina kama aanan soo kaban ama kama aanaan soo naaxin.

Wax badan baan ka hadlay haddii aan heli lahaa maanta meel ay ku dhan yihiin shacbiga Soomaaliyeed,hadal maqli maayaana waxaan iskugu dari lahaa qaylo.oohin ,dhaar iyo galgalasho. AMA DHURWAAYADA DHASHIINA CUNAYA SOO DHAWEYSTA OO DHIIBA DHULKA AMA KA DHIIDHIYA OO KA DIFAACDA?

Haddii aad wax iga maqleysaan waxaan idin dhihi lahaa meel kasta dal iyo dibad darenkiina muujiya oo ka banana baxa una diyaargarooba in aad tuuryeysaan Meesha aad ku aragaan.Kuwo wadaado sheeganaaya intii ay halistaan dadka uga digi lahaayeen bay dhaliil nooga dhigeen resulwasaarihii baa tegey xafiiska nabadsugida ,waa yaabe,(RESULWASAARO SOW KORMEERAHA LAAMAHA DAWLADA MAAHA,GOORMEY CEEB NOQOTAY IN MID KA MID AH HAYA,DAHA DAWLADA UU TAGO XAFIISKEESA

WABILAAHI TOWFIIQ,

DHIBLAAWE.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.