
Ku-Simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdisho kasoo laabtay ayaa galabta lagu soo dhoweeyay magaalada Garoowe.
Soo dhoweynta Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland waxaa ka qeyb galay Xubno isugu jira labada Gole ee maamulka iyo Saraakiil Madaxtooyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa Muqdisho kaga qeyb galay Aaskii Qaran ee loo sameeyay Ra’iisal wasaarihii hore AHUN Cali Khaliif Galayr.
Leave a Reply