Xuskii 13aad ee maalinta Calanka Qaranka Itoobiya oo Jigjiga laga xusay.

mustaf

Munaasibada xuska calanka Qaranka Itoobiya ayaa ka dhacday Madasha kulamada ee Qaryan dhoodaan waxaana ka soo qayb galay afhayeenka Gollaha baarlamanka DDS, Ibraahim Cabdi Malow, Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumad Cumar, golaha wasiirada deegaanka DDS, Madaxda xafiiska xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, golaha wasiirada, saraakiisha Ciidamada amaanka ee kala gadisan, odayaasha-dhaqanka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa waxa ka hadlay Af-hayeenka gollaha Barlamanka ee deegaanka oo sheegay in sida ku cad Qodobka 3aad ee dastuurka Dalka iyo kan deegaanka ee 4aad, ay yihiin kuwo ku qotoma calanka loona baahan yahay in marwalba lagu baararugo muhimada calanka.

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumed Cumar aya Xusay, in hada ka hor shacabka deegaanka Soomaalida lagu dhibaatayn jiray calanka ayaa ku hoos nool yihiin Isbadalka ka dibna shacabka deegaanka Soomaalida ay ka faa”iidaysteen isbadalka ka dhacay Dalka iyo deegaanka, ixtiraam iyo sharafna kula noolyihiin deegaanada iyo shucuubaha kale ee dalka.

Af-hayeenka Gollaha Barlamanka iyo madaxweynah DDS Ayaana Saraay Caalaanka Dalka iyo kaan deegaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.