Wasiir Bayle oo ka hadlay waxyeeladii Qaraxii Zoobe

qarax

Maanta waa maalin xasuus weyn naga mudan oo aan ku xusuusanayno dhibaatadii iyo xasuuqii argagixisadu u geysatay walaaleheen soomaaliyeed.

Maalintii 14-ka October 2017, waxa aan ku sugnaa Washington oo aan uga qeyb galayay shir ku saabsanaa arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Aniga oo shirka ku jira ayay isoo gaartay akhbaarta naxdinta leh ee ku saabsaneyd wixii dhacay, durbadiiba waan naxay, waxa ayna ila noqotay in qolkii aan shirka u fadhiyay uu mugdi noqday.

Murugada iyo ciilka aan daraamay maalinkaas halkaan ama xarfo qoraal ah kuma soo koobi karo, dareenkeyga waa mid aan la wadaagay dhamaan walaalaha Soomaaliyeed.

Markii aan dalka dib ugu soo laabtay meeshii ugu horeysay ee aan tagay waxa ay aheyd ZOOBE oo ah halkii dhibaatadu ay ka dhacday.

Markii aan arkay sida ay wax u dheceen, burburkii goobta iiga muuqday iyo dhaawaca ama dhimashada walaaleheen waxaa ii caddaatay in argagixisadu aysan wax arxan ah inoo heynin balse ay sugayaan in aan u midoowno, isla markaana qof waliba uu waajibkiisa ka soo boxo.

Gaba-gabadii waxa aan Tacsi u dirayaa Eheladaada iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa aan isku boorineynaa in aan u midoowno ka hortagga dhibka cadawgu inoo soo maleego.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.