
Ciidamada Kenya ayaa deegaanka Yadoo ee hoostagta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Soomaaliya ay ka afduubtey 3 rag ah halka wiil dhalinyara ahna ay dil u gaysteen.
Ciidamada Kenya ayaa degmada Ceelwaaq keenay sadexdii nin ay ka afduubeen Deegaanka Yadoo ee hoos taga Degmada Ceelwaaq.
Dhanka kale Kenya ayaa waxaa gacantooda ku maqan 4 rag ah oo laga afduubtey Tulada Darusalaam ee hoostagarta degmada Ceelwaaq.
Ciidamada Kenya ayaa Gobolka Gedo waxay kawadaan Duqaymo iyo dilal ay ugaystaan dadka shacabka ah.
Leave a Reply