
Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS u magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, ku-xiggeenka ciidanka Xooggana u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka.
Madaxwayne Farmaajo ayaa sidoo kale magacaabay Taliye ku-xiggeenka Ciidanka Dhulka Jeneraal Xuseen Xoosh.
Munaasabad lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayey xilalka kula kala wareegeen Taliyaashaa iyo kuxigeenka la magacaabay.
Leave a Reply