
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda furay Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Furitaanka Kal-fadhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, iyo Ku-xigeenadiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharaf kale.
Leave a Reply