
Deegaanka Cada-xaar oo dhanka Waqooyi kaga beegan deegaanka bulacle ee gobolka Galgaduud ayaa hadda waxaa ka socanaya dagaal u dhexeeya ciidanka xoogga dalka iyo argagixisada Al-shabaab ka dib markii Qaybta 21aad ee xoogga dalka ay Weerar Qorshaysan ku qaadeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo halkaasi Shacabka ku dhibaataynayey.
Saraakiisha howlgalkaan hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dagaalku ka dambeeyey qorshe la diyaarinayey oo cadawga looga sifeynayo gobolkaas isla markaana la sii wadi doono inta Argagixisada Al-Shabaab laga ciribtirayo dhulka ay joogaan.
Deegaanada Jihada Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab Shacabka ku dhibaataynayeen bilihii la soo dhaafay taas ayaana keentay in Ciidamada Xoogga dalku ay ka jawaabaan.


Leave a Reply