Sii hayaha Xilka Madaxwaynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa shaqada kajoojiyey mid kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo agaasimihii guud ee wasaaraddaasi.
Madaxwayne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqoojin rasmi ah ku sameeyey wasiirkii wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo Agaasimaha guud ee wasaaraddan Cabdirisaaq Jaamac Aadan.
Shaqa joojintaan ayaa timid kadib markii labada mas’uul ay maalin ku dhex dagaalameen xarunta wasaaradda, waxuuna dagaalkaan ka dhashay Haweenay ay wada shukaansan jireen sida wararka sheegaayaan.
Leave a Reply