Taliska Ciidan Booliska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo Maanta ka dhacay agagaarka Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Kornayl Sadiiq Aadan Cali Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahitna ayaa sheegay in falka ka dhacay goobta maqaayadda uu ka dambeeyay qof naftii halige ah oo isku soo rakibay waxyaabaha qarxa.
5 qof ayaa dhimatay 8 kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii qof naftii halige ah uu isku qarxiyay Maqaayad laga cunteeyo oo ku dhaw dugsiga tababarka ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.
Leave a Reply