
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Casho sharfeed ku casuumay qaar kamid ah Musharixiinta kasoo jeeda Galmudug ee u sharxan xilka madaxweyne.
kulanka masuuliyiinta kasoo qeybgalay Waxaana kamid ah; Ra’isul Wasaarihii hore XFS Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed,C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyo Mustaf Shiiq Cali Dhuxuloow.
Madaxweynaha ayaa waday maalmahan abuurida jawi wadahadal oo u dhaxeeya Madaxda DFS & Musharixiinta xilka madaxtinimo si loo xalliyo tabashada mushariixiinta ee ku aadan Gudiga Doorashada Dalka.


Leave a Reply