
Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Cali Saciid Faqi ayaa ka qeyb galey shirweynaha Wadatashiga Gudoomiyasha Gobolada iyo Degmoyinka KGS oo maalintii Afaraad Baydhabo ka socodo.
Shirka oo ay soo qaban-qaabisey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa looga hadlay Baahiyaha Ka jira deegannada Koonfur Galbeed iyo Mashaaricda hor marineed, sidokale waxyaabaha uga qabsoomay howlaha ay bulshada u haayaan, ayadoona su’aallo lagu weydiinayo wasiiradda wasaaradaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
waxaana manta kasoo qeyb galay wasiiradda wasaradaha Caafimaadka, Haweenka , Tamarta , Howlaha Guud , Gargaarka iyo musiibooyinka iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Leave a Reply