Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddoomiyey Shirka sanadlaha ee guddiga fulinta amniga iyo caddaaladda ee (CAS)

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey shirka guddiga amniga iyo Caddaaladda (CAS) oo ay ka soo qaybgaleen Hay’adaha Caddaaladda iyo amniga, wakiilo ka socday Qaramada Midoobay, Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) iyo bah-wadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageerta dhinacyada amniga iyo caddaaladda.

Shirka ayaa diiradda saaray xoojinta awoodda hay’adaha amniga iyo caddaaladda, iyadoo lagu qiimeeyey wax yaabihii qabsoomay sanadkii tagey, isla markaana laga wada hadlay kuwa sanadkan wax laga qabanayo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Safiirrada Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga iyo Caddaaladda u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay xukuumadda dib u habeynta loo baahan yahay si dalka loo horumariyo, loona xoojiyo dhismaha iyo tayeynta hay’adaha ku shaqada leh Caddaaladda iyo amniga.

Danjireyaasha iyo Wakiillada shirka ka qeyb galay ayaa boggaadiyey qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan sidii amniga iyo caddaaladda dalka salka loogu dhigi lahaa, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan dhammaan dhinacyada ay quseyso, si sare loogu qaado dadaalka mideysan ee lagu adkaynayo hay’adaha asasaaska u ah dowladnimada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.