
Madaxweyne Ku xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa kulan kula qaatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & ku xigeenkiisa koowaad.
Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay dardargalinta Horumarinta dowlad Gobaleedka Hirshabeelle iyo in si hufan loogu Shaqeeyo Shacabka ku nool degaannada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo halkaasi tegaya.
Leave a Reply