
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay Saaka iska hor imaad dhexmaray Ciidamada ammaanka Magaaladaas & maleeshiyaad ku heyb ah Abuukar Xaaji Warsame oo ku magac dheer Xuud oo diidan hab dhismeedka DG Hir-Shabeelle.
Magaalada Baladweyne waxaa ku sugan Madaxwayne kuxigeenka iyo Gudoomiyaha barlamaanka Hirshabeele iyo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & dib u heshiisiinta Soomaaliya Mukhtaar Xuseen Afrax oo u tagay dhexdhexaadinta saan-saanta colaad ee ka dhalatay Dhismaha DG Hir-Shabeelle.
Maleeshiyaadkan daacada u ah Xuud ayaa diidan in Baladweyne uu Yimaada Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaaahi Xuseen Guudlaawe oo la filaayo inuu Maanta Tago Baladwayne.


Leave a Reply