
Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam “axmed madoobe” ayaa maanta kaga qeybgalay hab maqal iyo muuqaal ah shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka.
Axmed Madoobe ayaa khudbadiisa diirada ku saaray Arimaha amaanka iyo Doorashooyinka waxaana uu si qoto dheer uga hadlay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo waxyaabaha muhiimka u ah dalka xiligan xasaasiga ah.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dardar galinayaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan isla markana ay lacago baad ah ka qaadan dadka Shacabka ah taasna ay dhibaato dhaqaale oo Cusub dalka galisay.
Axmed madoobe oo ka hadlayay Gobolka Gedo iyo doorka Doorashada ee Jubaland ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay Doorashada in ay ka qeyb gasho balse aanay Doorashada ku qabanaynin gobol aanu nidaam hoos yimaada ka jirin.
Wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in Dowlada Federaalka ah looga baahan yahay inay arintaas si dhab ah u qaadato isla markana ay Ciidamada iyo Maamulka ay halkaas gaysay ay kasoo saarto kuwaan wareejiso Dowlada Jubaland.
Leave a Reply