Daawo:Kooxaha fanka oo ka tacsiyeeyey geeridii Allaha u naxariistee Xasan Yare

xasanyare

Allaha u naxariistee, Xasan Aadan Cabdulle ( Xasan Yare ) oo ka tirsanaa hoboladda qaranka Horseed ayaa magaalada Muqdisho ugu geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah, iyadoo kooxaha fanka Soomaaliyeed ka tacsiyeeyeen geeridiisa.

Xasan Yare, Waxaa uu ahaa tiirarka ay kooxda Horseed ku taagan tahay  dhanka laxamada iyo Heesaha  ay qaado kooxdu, golaha abwaanada Soomaaliyeed kooxaha Horseed, Heegan, Waabari , fanaaniin iyo Abwaano ka tirsan ayaa tacsi u direy  qoyska Xasan Aadan Cabdulle ( Xasan Yare )

Taliyaha kooxda Horseed oo uu fanaanku ka tirsanaa Cabdullahi nuur Xalweyte iyo abwaan Xasan Nuur Maxamed (Xasan Huburoow) ayaa ka sheekeynaaya taariikhdii faneed ee Xasan yare Allaha u naxariiste.

Abwaan Xirsi Dhuux Maxamaed Wehliye,  gudoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa asna uga tacsiyeeyay,  fanaaniinta, ehelada iyo dowlada Soomaaliyeed geerida Xasan Yare.

Allah u naxariistee, Xasan Yare, waxa uu ahaa laf-dhabarka kooxda Horseed maanta  lagu aasay magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeybgalay bahda fanka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.