Waa hubaal in dal kasta marka uu doorasho galaayo uu dhex maquurto mawjado siyaasadeed oo lagu hardamaayo ciddii hoggaanka dalka u qaban lahayd, laakiin teena waa ka baxsan tahay nidaamyada caalamigaa oo doorashooyinka lagu galo waayo cid kasta oo miidaanka tartanka soo gasha waxaa quusiya ama guul gaarsiiyaa waa shacbiga.
Haddaba kala daadsanaan, amaanka dalka oo aan gacanta ku wada jirin, faragelin shisheeye iyo kuwo annaga naga mid ah oo cadawgu adeegsanaayo una dhega nugul oo wax kasta ka hormarinaaya nacfi jeebabaka loogu shubo ayaad moodaa in ay xaalada sii cakireyso.
Aan idin xasuusiyo ereyo aan la yaabo oo siyaasiyiinta kuwa sheeganaaya iyo warbaaxinta Soomaalida ee sheegata madaxbanaanida ay adeegsadaan;-
1-Dawlada Farmaajo.
2-Ciidamada Farmaajo.
3-Shaqaalaha Farmaajo.
4-Saraakiisha Farmaajo,
5-Madaxtooyada Farmaajo
Haddaba waxaa laga yaabaa in dhalinyarada ama da’yarta ay wax caadiya u qaataan laakiin anniga iyo inta igu da’da ah waxaan garaneynaa in ay tahay xeelad cadawgu adeegsado marka uu ummadda Soomaalida dagaal kula jiro, ujeedaduna tahay in xoogga iyo aragtida ummadda Soomaaliyeed lagu kala qaybiyo si qabyaaladaysan waana tabta kaliya oo mar kasta lagu burburiyo awooda dalkayaga iyo dadkayaga.
Aan idin ku celiyo gadaal taariikhda oon idiin caddeeyo,1964kii markii dagaalku dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya warbaahinta reer galbeedka iyo tii Itoobiya waxay dawlada, ciidamada ,shaqaalaha iyo saraakisha ku sheegi jireen kuwo uu leeyahay inanlayaal iyo reerka reer hebel ,ayaga oo ujeeday madaxweynihii dalka oo ilaa hadda aan jecelnahay AHN iyo reerka uu ka qabay.
Waxaan kaloo aad loo garanayaa 1977kii dagaalkii aan la galnay Taliskii Mingeste in markiiba Idaacadaha reer galbeedka iyo tii Itoobiya isticmaaleen isla ereyada sare oo ku shaabadaysnaa Siyaad Barre, annagu waxaan niqiiney Maxamed Siyaad Barre sidaas baa waxaa ku caanbaxay magaca Siyaad Barre welina waxaa isticmaala kuwii qaatay falsafadii cadawga ee qaybi oo xukun ku qotontay.
Ugu danbayn dadka Soomaaliyeed waxaan farta ugu fiiqayaa Siyaasiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed ee qarankii inaga dhexeeyey ka dhigaya wax farmaajo leeyahay ma moogtihiin in Meesha ay ka soo xambaarteen ay tahay Keenya iyo Khaliija carabta inta cadawga nugu ah, yaanaan ku dhicin daminkii maahmaahdii ahayd (DOQON COL LOOGA SOO DIGAY BAA DILA). Waxaan kale oo idin xasuusinayaa in doorashada la diiday in ay noqoto qof iyo cod, sabtuna ahayd in ayyan shacbigu wax dooran waayo muran iyo isqabsi midna ma dhaceen, noocii doorashada ee ay ku adkeysteen baa loo tanaasulay maxaa dhacay (HASHU HADDAY MAQAARKA DIIDEYSO MEELA DALDALOOLA BAY KA DAYDAA. Gudigii doorashada ee Maamulada Gobolada iyo wasiirka koowaad magacaabeen bay u bixiyeen GUDIGA FARMAAJO, ayaga oo aan garan karno waxaas oo dhan in ay tahay in aan dalka doorasha ka dhicin,dadkana qabiilo loo qaybiyo,waqtigana sidaas lagu dhameeyo, dalkana loo celiyo dagaal sokeeye oo aan hoogiisa iyo halaagiisa soo aragnay soona tijaabiney sidaas baana faa’ido ugu jirtaa kuwa dhulka iyo badda Soomaaliyeed damacu uga jiro.(WAXAASU WAA FARDO LAYSUMANA QARIYO) Alle ha u naxariistee ninkii colaada sokeeye bilaabay dalka oo nabada 1978kii Colonaly Cabdullaahi yuusuf baa wareysi ku yiri (HADDAAN MOODAAYO IN AY SAAS NOQONEYSO MA WEERAREEN),haddaba dhammaanteen aan ka hortagno kuwa colaada sokooye oo aan soo tijaabiney dabkeeda hadda shidaaya, waana in aan is weydiinaa nimanka Hoteel Jasiira ku shiraaya horta caruurtoodii aaway? ogaada in aan waxba ka joogin dalka.
Fadlan sheergaree.
Wabilaahi Towfiiq.
Dhiblaawe
Leave a Reply