
Ciidamada Booliska Puntland ayaa fiiqay boorarkii loogu talagalay Soo dhawaynta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo kusoo wajahan Maanta Magaalada garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxemed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta oo Jimce ah lagu wadaa inay gaaraan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Waxaa shalay gelinkii dambe lagu soo dhoweeyey Garoowe wafti hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.
Leave a Reply