Odayaasha Beesha Reer Dalal ayaa maanta Degmada Caabudwaaq ugu wareejisay walaalahooda Reer Beesha Siyaad Xuseen Maxamed Cabdullaahi Xassan Barre (Gasle) oo uu ku dhintay Marxuun Saadaam Xiireey Cartan Shaaciye.
Marxuunka dhintay ayaa lagu dilay 11kii bishaan deegaanka Tuulo Digix oo ka tirsan Dawlad deegaanka Soomaalida.
Gacan ku dhiiglaha oo dilka ka dib ka baxsaday goobta ayaa waxaa raacdo ku soo qabtay beeshiisa isla maalintii uu falku dhacay waxaana ay maanta wada xaajood kadib madal ay goor dhaw ku marti qaadeen walaalahooda Reer Siyaad Xuseen ugu dhiibay Gacan ku dhiiglihii waxaana goobta ku sugnaa ciidamada Xasilinta degmada Caabudwaaq iyo Masuuliyiin kale.
Labadan beelood ayaa markii ay Gacan ku dhiiglaha la kala wareegleen waxay ka hadleen goobta ayaa sheegay in maslaxadda deegaanka iyo degmada ay u wada tahay dan in aan hoosta la gashan dambiilayaasha, waxaana ay ugu baaqeen beelaha kale inay oga daydaan arintan.
28,kii Bishii November ayay ahayd markii maleeshiya hubaysane ay bartama degmada ku dileen laba ruux.
Xigasho Naftaada Nabada Bar
Leave a Reply