Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi oo ay oga billaabatay booqasho Maalmo ah.
Madaxwaynaha Maamulka soomaliland iyo madaxwaynaha Dalka kenya ayaa kawada hadli doono sidii Jaadka loo keeni lahaa Deegaanada Soomaliland, waxaana la filayaa kulanka labada Madaxwayne inuu dhaco bari oo Isniin ah.
Ababu Namwamba oo ah xubin sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo soo dhoweeyay Madaxweyne Biixi wuxuu yiri: “Mudane Muusa Cabdi wuxuu Isniinta wadahadal la yeelan doonaa Mudane madaxweyne Uhuru Kenyatta Waxay ka wadahadli doonaan danaha ay wadaagaan”, ayaa lagu qoray barta Twitter-ka.
Leave a Reply