Muuse Biixi oo Nairobi kula kulmay Madaxwaynaha kenya

muuse

Madaxweynaha dalka Kenya mudane Uhuru kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku marti-qaaday weftigii ka socday Maamulka Somaliland ee uu hoggaaminayey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maalintii labaad ku sugan dalka Kenya.

Kulankaas oo ahaa mid laba geesood ah oo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kenya iyo MadaxweynahaMaamulka Somaliland oo ay weheliyaan weftigiisii booqashada ku joogay dalka Kenya, labada madaxweyne waxay kaga wada hadleen qodobo dhawr ah oo u badan danaha labada dal ee Kenya iyo Somaliland sidii loo xoojin lahaa.

Waxaana la isla meel dhigay in labada wafti ay iskugu yimaadaan kulan labaad maalinta berri oo Salaasa ah taariikhduna tahay 15-ka December 2020, si loo dhammaystiro qodobada labada Madaxweyne ka wada hadleen maanta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.