Masuuliyiinta ugu saraysa DDS, oo uu ugu horeeyo madaxwayne ku xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmsan Faarax ayaa garoonka diyaradaha Garaad wiil waal ee magalada jigjiga si diiran ugu soo dhaaweyey Masuuliyiin heer federal ah iyo safiiro ka kala socday wadamada Turkey, Airland, Finland, Norway Sweden iyo japan, ayna hogaaminayso wasiirka wasarada arrimaha haweenka, caruurta iyo dhalinyarada JDFI Marwo Filsan Cabdilaahi.
Ujeedada ugu muhiimsan ee ay waftigani u soo gaadheen deegaanka ayaa ah ka qayb galka xuska maalinta tacadiyada loo gaysto haweenka oo la xusi jiray 25 November balse dib loogu dhigay maanta oo ah 15 December.
Soo jeedinta Qorshaha 10sano ee soo socda uu ku shaqayn doono xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDS*Dhagax dhiga Xarunta daryeelka caruurta bilaa hoyga ah.
Leave a Reply