Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey dadweyne farabadan, Xildhibaanno iyo siyaasiyiin.
Ujeedka Safarka Ra’iisul Wasaaraha uu tagey degmada Caabudwaaq ayaa ku qotoma sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo amniga deegaanka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyey dadweynihii soo dhaweeyey, waxuna sheegay inta uu joogo inuu latashiyo kala duwan la sameynayo madaxda iyo qeybaha kala duwan ee degmada Caabudwaaq, taasoo lagu adkaynayo horumarka iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyey bulshada Caabudwaaq saraakiishii lagu laayay deegaannada u dhexeeya Balanbale iyo Guriceel, waxuna amray in si dhaqso loo horkeeno caddaaladda kooxihii dalka geystay.
“Bulshada Caabudwaaq waxay caan ku yihiin dalka iyo dowlad jeceyl, waxaan ka tacsiyeynayaa saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee lagu dilay Balanbale, dowladduna kama gaabinayso in danbiilayaashii falka geystay gacanta lagu soo dhigo”.
Leave a Reply