
Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiyay Shirka dib-u-habeynta iyo kor u qaadista dakhliga Dowladda Puntland.
Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Guddiga dib-u-habeynta dakhliga hoose ee Dowlaada ay kusoo bandhigeen warbixin ay kasoo ururiyeen Wasaaradaha iyo Hay’addaha dowladda taasi oo lagu soo bandhigay dakhli hoosaadyada ay qaadaan.
Dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga Dowladda waxay sahlaysa hirgelinta Khasnada mideysan, horumarinta maamul wanaaga, in aan dakhligu uusan meel dhexe kulumin iyo in shacabka culayska laga illaaliyo.
Leave a Reply