Gargaarka caafimaad oo isugu jira agab iyo dawooyin oo ah deeq ka timid dowladda Federaalka Soomaaliya si loo gaarsiiyo isbitaalada Degmooyinka Galmudug ayaa waxaana Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb kula wareegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Cabdiwali Maxamed Axmed oo Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya kaga mahadceliyey sida ay ugasoo jawaabtay codsiyo ay horey u dirsadeen.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa balan qaadey in dawooyinkan iyo agabka caafimaad la gaarsiin doono isbitaalada baahiyaha uqaba ee degmooyinka Galmudug, si loola tacaalo bukaanada gargaarka u baahan ee booqanaya xarumaha Caafimaadka, gaar ahaan in la tayeeyo isbitaalada iyo shaqaalaha heeganka ugu jira la tacaalidda xanuunka COVID-19.
“Waxaa waajin nagu noqotay inaan gaarsiino adeegan xarumaha kala duwan, waana uga mahadcelineynaa dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay noo garab taaganyihiin, waxaana naga go’an inaan bulshada u baahan la gaarsiiyo deeqdan” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Cabdiwali Maxamed Axmed.
Leave a Reply