Ra’iisul Wasaareaha Xukuumada federaalka ee Soomaaliya Rooble Maxamed Xuseen Roobleay ayaa cambaareynayaa falkan argagixisadu ku beegsadeen saraakiisha ciidanka iyo dadka rayidka ah ee ka dhacay Gaalkacyo.
“Waxaan dhammaantood Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeenna uu Samir iyo iimaan ka siiyo”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa falkan argagixisadu ay ku beegsadeen saraakiisha iyo dadka rayidka ah in uu ka fog yahay naxariista, diinta iyo dhaqanka suubban ee ummadda.
“Argagixisadii falkan geystay waxaan leeyahay, marnaba weerarradiinnu nama niyad jabinayaan, mana istaajinayaan geeddiga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu jiraan nabad waarta iyo qarannimo xoog leh.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isku duubnaadaan, una midoobaan cadowgan u diiddan nabadda iyo horumarka.
Leave a Reply