Dowladda Soomaaliya oo heshiis Deyn Cafin ah la saxiixatay Dalalka UK, Denmark iyo Netherlands

bayle

Wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa ku saxiixay heshiis yada Deyn Cafinta oo hore ay u soo saxiixeen masuuliyiinta dalalka ku bahoobay Naadiga Paris  “Paris Club”.

Saxiixaan ayaa daba socda go’aankii ka soo baxay shirkii dhacay 31-kii Maarso ee sanadkaan 2020 kuwaasi oo Soomaaliya looga saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,oo lacagta doolarka mareynkanka.

Sidoo kale heshiiska shirkaasi qodob ka mid ah uu dhigayay in Soomaaliya ay dal waliba gooni ula saxiixato inta uu ka saamaxay.

Isu geynta lacagta ay saamaxeen Sadexdaan dowladood waa UK, Denmark iyo Netherlands. waxaana ay gaareysaaa lacag dhan $69.9 million.oo doolarka mareykanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.