Muuse Biixi Iyo Madaxweynaha Jabouti oo Kulan Ku Yeeshay Madaxtooyada Jabuuti

Muuse

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley.

Madaxwaynaha Jabuuti iyo Muuse Biixi waxay kulankooda uga wada hadleen danaha labada dal, adkaynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dhinac iyo isu-socodka arrimaha bulshada.

Waxa kale oo kulankaasi lagu soo qaatay sidii horeba ay labada dhinac isaga kaashan jireen ka war haynta iyo la socodka arrimaha nabadgelyada.

Waxaana kulankaa labada madaxweyne ku wehelinaayey wasiirrada Arrimaha dibeda Maamulka Somaliland iyo Jabuuti, mudane Yaasiim Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) wasiirka Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee Jabuuti oo ay wehelinayeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.