Yuusuf Dabageed iyo Cali Jeyte oo Xabsiga u taxaabay Wariye Dulyar

dulyar

Ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa caawa Xabsiga u taxaabay Wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar oo maalin ka hor howlo shaqo u tagay magaaladaas.

Xariga Loo gestay Wariyaha ayaa salka ku hayo wareeysi u la yeeshay Jen Abuukar Xuud oo ah hogaamiyaha jabhad ka soo hor jeeda madaxda cusub ee maamulka HirShabeelle.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada baladweyne ayaa sheegaya xariga loo gaystay wariye Dulyar inay Bixiyeen madaxwayne kuxigeenka Hirshabeele Yusuf Ahmed Hagar (Dabageed) iyo Gudoomiyaha hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.