
Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, mudane Cismaan Abokor Dubbe ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyeeyay geerida fanaankii qaranka Allah u naxariistee, Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.
Fanaanka wuxuu muddo isbitaal ugu jirey xanuun la xiriira dhanka neefmareenka oo ugu dambeyn u geeriyooday, dhakhaatiirta la tacaaleysay Cabdi Cali Bacalwaan waxay sheegeen in uu haleeley cudurka safmarka ah ee COVID-19.
Wasiirka Cismaan Dubbe, oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in fanaanku kamid ahaa hal abuurada ugu waa weynaa oo qaranka u soo hurey wax kasta isla markaana dhaxal lama ilaabaan ah uga tagay dadka Soomaaliyeed.
Leave a Reply