Aan ku bilaabo inta aanan jawaabta su,aashaan gudagelin murti abwaan horey u tiriyey ee ahayd sidaan:- (ILEYN DOQONI DEEB KAMA KACDO OO DAAMANKAY MEERMAARISAA ,WARANKA LAGU DILAAYO BAA LOO DIRAA,XARIGA LABA DIBLEYNAYA BAY SOOHAATA,DOQONEY DABKAA BA) arinaataan waxaan uga goleeyahay dadka Soomaaliyeed waxay u nugul yihiin qabyaalada cid kasta oo dan kale waxay u soo martaa dhanka qabiilka ayyada oo la adegsanaayo mid reerka ka mid ah,waana dhibaatada ugu weyn oo mar kasta lagu curyaamiyo dawladnimadayada,mid shisheeye soo dirsaday ama dana gaara wata baa cida ku soo dhex dhaca,wuxuuna hadalka ka bilaaba anagu wasiir ma lihin,dawlada yaa noogu jira ,Meesha waa ku qadsanahay haddaan nahay reer QURAC.
Leys weydiin mayo haddii nin kaan wasiir la siiyo REER QURAC waxaa u kordhaaya ee waa lala gurmanayaa,haddii uu jagadii helo maalintaas baa asaga iyo Reer QURAC isugu dambaysa.
Aanu dulucda abaarno adeeradayda Jasiira Hoteel salka dhigtay ee ay wehliyaan labada nin ee cawratirka ah tan iyo markii la doortay dawlada waqtigu ka dhammaanaayo waxay diidanaayeen in wax la qabto,waxayna ka soo horjeedeen wax kasta oo horumar lagu tilaabsanaayey sababtuna waa sidaan hoos ku qoran ayyaga oo tilaabo kasta oo lagu dhaqaaqo dacaayad ka samaynaayey oo si khaldan u fasiraayey:-
1-Dhismaha ciiddamada oo wax weyn oo muuqda laga qabtay mar kasta waxay la daba joogeen dacaayad beenabuur ah sida kuwo lagu soo tababaraayey dalal kala duwan,waxaana inagu filan sida ay uga hadleen ciidanka xuduuda Keenya ku soo duushey la geeyey sida ay uga hadleen,iyo in ay ka horyimaadeen qalabaynta Dawlada Turkigu ugu deeqeyso CXD Soomaaliyeed oo ay afbuuxa ku dheheen turkigu ha hakiyo qalbka uu siinaayo CXD Soomaaliyeed,ayyada oo dagaal gardaro ah nala ku soo qaaday.
2-Soo celinta hawadayada oo mar kasta ay dhihi jireen waa been hawada lama soo celin,ilaa aan aragnay diyaaradihii amar la,aanta ku soo galay oo dib loo celiyey.
3-Ciidanka iyo shaqaalaha oo mushaar la,aan noqon jirey oo xaqooda joogto u hela oo ay mar kasta dhahaan mushaar baan bixiney ma horumar baa .
4-Musuqmaasuqa oo xeerkii lagula dagaali lahaa la sameeyey laguna qaaday ciddii ku kacday oo ay is hortaag ku sameeyeen iyo dacaayado u suuroobi waayey.
5-Garsoorka oo wax weyn laga bedelay oo ay u denbeysay golaha garsoorka oo dhawaan la ansixiyey iyo diidmada iyo dacaayada ay ka fidinaayeen.
6-Jidadka ama wadooyinka mar kasta xariga laga jaro iyo kuwo cusub ee la dhagax dhigo.
7-Dayactirka lagu sameeyey dhammaan xaafiisyadii dawlada oo maanta lagu wada shaqeeyo ayyaga oo qorxoon.
8-Golahii murdida iyo dhaqanka (NATIONAL TEATER),MADXAFKII QARANKA IYO MADBACADII oo dib loo dhisay oo la nooleeyey.
9-Garoonkii ciyaaraha ee Muqdishow oo la dayactiray maanta diyaar u ah in lagu qabto ciyaaraha caalamigaa.
10-taalooyinkii xusuusta qaranka oo dhammaan dib loo dhisay.
11-Siyaasada arimaha dibada oo meel sare gaartay>
12-Joojinta fargelintii gudaha oo laga bilaabay eryidii Gabre, wakiilkii Qaramada Midoobay iyo tilaabooyinkii laga qaaday dawladaha khatarta ku hayey qaranka Soomaaliyeed sida kuwo Carbeed iyo tan u denbeysay ee Keenya.
13-Deyncafinta oo bilaayiin(billions) oo doolar dalka laga cafiyey oo ilaa hadda ay dibindaabyo la daba taagan yihiin.
Waxay ila tahay in su,aasha cinwaanka sare ay jawaab u tahay qormadaydaan,ereyga qaswadayaal waxaan u isticmaalay masharaxiin madaxweyne maaha waayo qofka isdiwaangeliya oo tigidka lacagbixinta qaata oo la aqoonsaday baa la oran karaa musharax ,ninkii jecel in uu madaxweyne noqdo waa u furan tahay oo aniguba waan rabaa,dhamaan xisbiyadii is diwaangeliyey madaxdooda oo boqol ku dhow waa jecel yihiin in ay noqdaan masharixiin waana hubaa in qaarbadan keensan doonaan araajidooda,kuwaan maxaa ka soo hormariyey waqtiga?
Aan ku soo gunaanado nin madaxweyne rajo ka qabaa kuma jiro adeeraday labada wehlisana iskaba dhaaf,waxay ka siman yihiin qandaraas ay ka soo qaateen shisheeye aan wada naqaan iyo qaar danbiyo qaran galay oo naftooda u baqaaya,xooggana saaraaya in aan dawlad la, xisaabtami kartaa dalka ka dhalan,dhammaantoodna xaasaskooda iyo caruurtooda waa ka qaateen dalka, sidaas awgeed yaanaan ogolaan in ay xaasas kayaga iyo caruurtayada qixiyaan dhalinyarada yadana isku laayaan.
Wabilaahi Towfiiq.Fadalan sheergaree.
Dhiblaawe.
Leave a Reply