Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Ciyaartoyda Xulka gobolka Banaadir guusha ay ka gaareen Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la dheeleen dhiggooda Galmudug, wuxuuna si guud u bigaadiyay dhammaan kooxihii ka qeybgalay tartanka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in tartamada nuucaani oo kale ah ay yihiin kuwa ka shaqeeya Nabadda iyo isdhexgalka bulshada, ayna Xukuumadda dhiiri gelineyso
Leave a Reply