Turkiga oo Qirtay In Qaraxii ka dhacay Muqdisho uu qasaaro ka soo gaaray

turkey

Dowladda Turkiga ayaa si kulul Cambaareysay Qarax is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Lafoole, kaasi oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhawaac.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu Cambaareeyay Qaraxaas is-miidaaminta ahaa ee lala beegsaday Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda iyo Shaqaale ka tirsan Turkiga oo ku sugnaa goobta.

Turkiga ayaa xaqiijiyay in hal Muwaadin uu qaraxaas uga geeriyooday, halka afar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo kamid ahaa Injineero dhisayay wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.