Punsaa iyo Nusoj ayaa Puntland ka Codsaday inay Siidayso Wariye Kilwa

Kilwa

Daladda Ururada aan Dawliga ahayn ee Puntland oo magaceeda loosoo gaabiyo PUNSAA ayaa codkeeda ku biirisay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed National Union of Somali Journalists (NUSOJ) oo ku guda jira ololaha cadaalad u raadinta wariye Kilwe Adan oo ku xiran xabsi qarsoodi ah oo Puntland kuyaala.

Gudoomiyaha bulshada rayidka ah ee Puntland Faysal Axmed Warsame oo ka hadlayey xarunta dhexe ee Ururka ee Garowe ayaa ku baaqay in la ixtiraamo dastuurka & qawaaniinta dalka oo aan ogolayn in muwaadin la xiro Maxkamad la’aan.

“Qofkasta oo muwaadin ah denbi inuu galay & inuusan gelin waxaa cadayn kara Maxkamad, dastuurka qodobadiisa waxaa kuyaala inaan qofna Xabsi lagu hayn karin xabsi in maxkamad la keeno maahee, runtii waxaan leenahay hala xurmeeyo Dastuurka,” ayuu yuru Gudoomiye Faysal Axmed Warsame.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.