
Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimo dhowr ah sida dadaalada loogu jiro habsami usocodka arrimaha doorashooyinka qaranka iyo xalinta tabashooyinka heshiiskii doorashada ee u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Qoorqoor ayaa magaalada garoowe kulamo kula qaatay Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka iyo Qaar kamida madaxda maamul goboleedyada.
Leave a Reply