Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
.Ra’iisul Wasaaraha iyo Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daahfuran oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xiriira arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed
Leave a Reply