Wararka aan ka heleyno Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay dad shacab ah kuwa kalana Dhaawac soo gaaray.
Rag hubeysan ayaa weerar loo adeegsaday rasaas ku qaaday 6 ruux oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo xirsi lugeey ee gobolka Galgaduud, isla markaana rasaasta ay sababtay Dhimasho iyo dhaawac.
Dadka weerarkaa ku dhintay ayaa tiradooda lagu sheegay 5 halka dhawaac dhowr qof uu jiro.
Deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka dhacay Dagaal beeleedyo kuwaas oo keena qasaaro nafeed iyo barakac.
Leave a Reply